Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare geystay oo goor dhaw ka dhacay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka caawa laga helayo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in qarax uu ka dhacay goob ku taalla bartamaha magaalada oo ay ku caweynayeen dad u badan dhallinyaro.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad u badan dhalinyaro oo halkaas ku sugnaa, waxaana la sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay ay aheyd biibito lagu cayaarayey Dublad.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxaas loo adeegsaday Bam gacmeed lagu weeraray maqaaxida oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo, gaar ahaan isgoyska Golol.

Weli si rasmi ah looma xaqiiji karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, waxayna dadka noo waramay ay sheegeen in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, dadkii ay wax yeeladu soo gaartana loola cararay cisbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this