Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga tirakoobka ciidamada Puntland oo booqday Galgala

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15816158632742019.jpg?w=1000&ssl=

Guddiga tirakoobka iyo dib u habaynta casriga ah ee ciidamada Puntland ayaa maanta gaaray fariisimaha ciidamada ee buuraleyda Galgala.

Wafdigan oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Abdisamed Mohamed Gallan iyo Taliyaha ciidamada Daraawiishta Gen. Yasiin Omar Dheere ayaa u jeedkoodu ahayd u guur-galka xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidamada difaaca Puntland ee ka hawlgala buuralayda Galgala iyo sidii tirakoob iyo diiwaangalin casri ah loogu sameyn lahaa.

Intii ay wafdiga ku sugnaayeen Galgala waxay tirakoob ku sameeyeen qaar kamid ah ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan, sidoo kale waxay booqdeen goobo taariikhi ah oo ay ka mid tahay Isha biyaha Galagala.

Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku howlanayd tirakoob iyo dib u habayn ay ku sameynaysay ciidamada.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horey u balanqaaday in uu dhisi doono ciidamo tiradooda iyo tayadooda la hubo.

FB_IMG_1581618422617.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_15816158907123146.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15816159396267552.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15816159179831808.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15816159557668842.jpg?w=1000&ssl=


FB_IMG_1581618437480.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1581618456579.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddiga tirakoobka ciidamada Puntland oo booqday Galgala appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this