Sign in to follow this  
Deeq A.

Xayiraada laga qaadey Al-Barakat oo lasoo dhaweeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah xayiraaddii kaga qaaday shirkaddii Al-Barakaat ee Soomaaliya oo muddo laga joogo ku dhowaad 20 sano ku jirtay liiska argagixisada.

Sheekh Axmed Nuur Jimcaale, oo ahaa gudoomiyihii shirkaddii Al-Barakat, oo ka dareen celiyey arrintaan ayaa shaaca ka qaadey in ay wax weyn kaga dhigan tahay arrintaan kuna faraxsan yihiin.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan midda haatan jirta ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayuu daboolka ka qaadey in ay kaalin weyn ka cayaartay sidii looga qaadi lahaa xayiraada.

Dhanka kale, Jimcaale ayaa daaha ka rogay in la celiyey dhamaan lacagihii ku xayirmay Bangiga shirkaddii Al-Barakat.

Sanadkii 2001-dii ayay ahayd markii liiska argagixisadda lagu daray shirkaddii Al-Barakat waxyar kadib weerarkii Daaraha Mataanaha kaasoo ay dusha saaratay kooxda Al-Qaacida ee Suuriya iyo Iraq.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this