Deeq A. Posted February 13, 2020 Kismaayo (SMN) – Fahfaahino ayaa kasoo baxaya qarax ka dhashay bam gacmeed oo caawa ka dhacay magaalada Kismaayo, xarunta gobolka Jubada Hoose. Bamka ayaa lagu waramayaa in lagu weeraray goob maqaaxi ah oo ku taala magaala madaxda ku meel gaarka ah ee maamul goboleedkaas. Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku geeriyooday, sagaal kelana way ku dhaawacmeen, sidda ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkaas oo kasoo baxay laamaha ammaanka. Sidoo kale, ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkaas. Qaraxaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo todobaadkan ay bartamaha magaalada isku rasaaseeyeen Ciidamada Jubaland iyo ilaalada siyaasi Cabdinaasir Seeraar. View the full article Share this post Link to post Share on other sites