Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

A Poetic Response to Their Blasphemy!

Recommended Posts

Waa kan Abwaan Cumar Cabdinuur Nuux, oo loo yaqaan Nabaddoon oo si xikmad leh u meerinaya gabaygiisa cusbaa ee diinta iyo Rasuulkeena CSW lagu difaacayay, wuxuuna yiri:

 

Qore: Cumar Cabdinuur Nuux – Nabaddoon

 

Tan iyo markii warsidaha JyllandsPosten ee ka soo baxa dalka Denmark uu aflagaadada u geystay Nabi Muxamed CSW waxaa isa soo tarayey carada dadka muslimiinta ah ay ka muujiyeen arrintaas iyada ah iyo indha-adeyga iyo dhaga-adeyga ay ku sii indhacad yihiin qolooyinka aan iimaanka lahayd ee Ilaah iyo nabiyaduu soo diray oo dhan ku gaaloobay.

 

Markii dadka reer Yurub intooda badan uu ka dhintay damiirkii, ayna kala garan waayeen wanaaggii iyo xumaantii ayey waxay ku dhiirradeen in ay wax ka sheegaan cid kasta xataa Ilaahii abuuray iyo rusushii uu soo dirsaday.

 

Waxaase iyaduna yaabka yaabkiis noqotay markii in yar oo markii hore muslim sheegan jiray ama ahayd ay u sacabtumeen weerarkaan qaawan ee asalka iyo jiritaanka diinta Islaamka iyo dadkeeda lala beegsaday. Arrimahaan oo dhan waxay u dhacayaan si ula kac ah oo kibir iyo ogaan ah, waxaase hubaal ah in sida dad badan moodayaan uusan xaal ahaan doonin.

 

Alalaasihiyo qooqa iyo, eegga waxa taagan

Anbiyada Ilaahay kuwaan, ku afxumoonaaya

Aflagaadadaan Nabuyallaah, lagu ihaaneystey

Ayaan doonayaa gabay waxuun, kaga iraahdaaye

Ujeeddadu ka weyn meelahay, ku agwareegeene

Oo xorriyatul qowl iyo ma aha, aragti Joornaale

Waxba yaan oraahyada maldahan uunka loo tabine

Waa aabi iyo weerar tani, laysu urursadaye

Afka Faransa Isbayn iyo Hangari ways ayidayaane

Denmark Itaaliya Jermani waysu ololeene

Dhammaan Urubba oo wada jirtaa aabigaan wada’e

Iska celiya ama ooya waad agabsan doontaane

Awal hore miyaan mooganeyn, uurka waxa jiifa

Sawtii Ilaahay ku qoray aayadaha diinta

Oo nala ku yiri waxay rabaan inaad riddowdaane

Iska eega iyagiyo Ibliis waa ilma adeere

Afartaas ummuuraha dhiciyo, ibofurkoodii dhe

Ummaddaan Islaamkaa miday, wada arkaayaan dhe

Ubucdii murtida oon qaddimay, erayadaydii dhe

Afar kale addoon aan ogahay, midaan ogeysiin dhe

Abuu jahal sidiisii haddaad, nabi ijaafeysay

Ilaahay rasuulkiis haddaad edebdarrow maagtay

Iftadaadi waxaa loo gudbiyey ururro waaweyne

Isku awd guryaha ama ku biir inantii aad sheegtay

Islaamnimadii diidaye lasoco, iilka waad mudane

Uluuf iyo uluuf weyraxdaa oodda soo jabine

Erayadaad qoreysaad kolley, aakhirkaw dhimane

Albaabada xirxiro maalin dhow waa laguu imane

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this