Deeq A. Posted February 13, 2020 Muqdisho (SMN) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa raaligelin ka bixiyey xasuuqii ka dhacay Somaliland. Dhacdadaas ayaa la sheegay in ay geysatay dowladii kacaanka ee uu majaraha u hayey Maxamed Siyaad Barre. “Wixii Wuqooyi ka dhacay ma ahayn Koofur oo wuqooyi ku duushay,wax qabiil ku saleysanna ma ahayn,waxay ahayd Sistam dowli ah oo markaas jiray,anigoo madaxweynihii Qaranka ah inaan cudurdaarkaas sameeyo oo aan gaarsiino walaalaheen adinkuna aad ila qaadataan ayaa loo baahan yahay,” ayuu yiri. Wuxuu raaciyey: “Madaxweyne ahaan cudur daar ayaan ka sameynayaa waana ka raali galinayaa dadka dhibku ka soo gaaray nidaamka dowliga ah”. Hadalkaan ayuu ka sheegay xiritaanka Shirka Garsoorka oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaaladda Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites