Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo raali-gelin ka bixiyey dhibkii loo gaystay gobollada waqooyi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, ee hadda loo yaqaan Somaliland, raali gelin ka siiyey duqayntii iyo xasuuqii ay dowladdii kacaanka u gaysatay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay garowsho, islamarkaana la iska ilaawo wixii xumaa ee dhacay, ayada oo la xirayo bogga madow, lana furo mid cusub.

“Aniga oo ah madaxweynihii qaranka ayaan cudur-daar siinayaa, oo raali-gelinayaa walaalaheen waqooyi,” ayuu yiri madaxweyne Farmajao.

“Wixii Waqooyi ka dhacay ma ahayn Koonfur oo Waqooyi ku duushay, wax qabiil ku saleysanna ma ahayn, waxay ahayd nidaam dowli ah, dhib uu gaystay.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkan ka jeediyey shirweynaha garsoorka ee ka socda magaalada Muqdisho.

Raali-gelinta uu bixiyey Farmaajo ayaa timid laba maalin kadib markii uu magaalada Addis-Ababa kula kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, inkasta oo kulankaas aan laga bixin wax faah-faahin ah.

Hoos ka daawo Farmaajo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this