Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo sheegtay inuu is-casilay Mucaawiye – Madaxa amniyaatka Al-Shabaab ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa qoraal cusub oo ay maanta soo saartay ku sheegtay” inuu xoogeystay khilaaf ka dhex taagan kooxda Al-Shabaab.”

Qoraal kooban oo NISA ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ayey ku sheegtay in khilaafka labada garab ee Al-Shabaab uu horseeday inuu is-casilo Muuse Macalin (Mucaawiye), oo ahaa madaxa amniyaatka Al-Shabaab ee Muqdisho.

Sida ay sheegtay NISA, Muuse Macalin Mucaawiye, oo ah 39 jir, ayaa ka tirsan garabka raacsan Mahad Karataay. NISA ma aysan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer.

Khilaafkii u dhaxeeyey labada garab ee Maafiyada Alshabab ayaa sababay inuu is casilo madaxii Amniyaatka Gobolka Banaadir, Muuse Macalin ( Mucaawiye) oo ” 39, jir ah” oo ahaa garabka raacsan horjooge Mahad Karataay.

— NISA (@HSNQ_NISA) February 13, 2020

Qoraalka NISA ayaa ka dambeeyey qoraal kale oo ay baahisay 3-dii bishan, kaasi oo ay ku sheegtay in hoggaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta ee xarakada Al-Shabaab, kana xayuubiyay dhammaan xilalkii ay ka hayeen xarakada.

NISA ayaa sheegtay in sababta uu Axmed Diiriye u qaaday tallaabadan ay tahay kadib markii ay ka dalbadeen joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka magaalada Muqdisho.

Ma jiraan ilo-wareedyo si madax-banaan u xaqiijin kara xogta NISA. Kooxda Al-Shabaab weli kama aysan hadlin warka ay baahisay NISA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this