Sign in to follow this  
Deeq A.

Amnesty oo eedeyn u jeedisay dowladda Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Iyaddoo mudo saddex sano ay u buuxsantay dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa warbixin ay soo saartay hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxay dowlada Soomaaliya ku eedeysay in ay habab sharci daro u adeegsato xoriyatul qowlka warbaahinta madaxa banaan.

Hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixinta ay soo saartay waxaa cinwaan looga dhigay “waxaan ku noolnahay cabsi joogta ah”waxaana sidoo kale Amnesty ay warbixinteeda ku sheegtay in markii la doortay madaxweyne Farmaajo ay dowlada Soomaaliya ay caburin ku heyso warbaahinta xorta ah ee gudaha dalka.

Sidoo kale ha’yada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixinta ay soo saartay ku sheegtay in dowlada Soomaaliya mudadii sadexda sano aheyd ee lasoo dhaafay ay kordhisay xariga iyo jirdilka saxafiyiinta ka howgala Soomaaliya,gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho.

Deprose Muchena oo ah agaasimaha Amnesty International ee koonfurta iyo bariga Africa ayaa sheegay in saxafiyiinta Soomaaliyeed ay xaalad adag kusoo shaqeynayaan mudo fara badan,gaar ahaan sadexdii sano ee lasoo dhaafay.

Ku dhawaad 8 saxafi ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo 2017,shan saxafi ayaa ku geeriyooday qaraxyo ka dhacay Soomaaliya,sida Amnesty ay sheegtay,laba wariye waxaa dilay kooxo aan la garaneyn, halka wariyaha kalena uu sarkaal ka tirsan booliiska Soomaaliya ku toogtay magaalada Muqdisho bishii July ee sanadkii 2018.

Dowlada Soomaaliya ayaan wax war kasoo saarin eedeymaha ay u jeedisay hay’ada u dooda xuquuql insaanka ee Amnesty International ee ku aadan la dagalaanka xoriyatul qowlka iyo caburinta saxaafada madaxa banaan.

Soomaaliya oo kamid ah dalalka ugu halista badan ee saxafi uu ka howgalo, ayaa 30-kii sano ee lasoo dhaafay lagu dilay boqolaal wariyayaal ah oo ka howgalayay warbaahinta madaxa banaan ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this