Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerartay saldhiga Ceel Saliini

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay weerareen saldhiga ciidamadda ee degaanka Ceel Saliini, gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka degaanka ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in weerarka loo adeegsaday qaraxyo iyo dagaal toos ah oo hub culus loo adeegsaday.

Ma cadda khasaaraha labada dhinac kasoo kala gaarey duulaankaas oo dhacay maanta oo Khamiis ah, sidda ay xaqiijiyeen illo xog ogaal ah.

Saraakiisha ciidanka dowladda iyo xarakadda Al-Shabaab ayaanan wali wax war ah kasoo saarey dagaalka oo muddo saacado ah socday.

Sanadkii hore ayay ahayd markii weerar lagu qaadey xerada Ceel Saliini, halkaasoo khasaaro xoogan uu kasoo gaarey Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this