Deeq A. Posted February 13, 2020 Balcad (SMN) – Ugu yarana shan caruur ah ayaa ku dhimatay, tirro intaas ka badanna way la il-daran yihiin kadib Shuban-biyood ka dilaacay magaalada Balcad. Xambaley Cabdullaahi Axmed, gudoomiye ku xigeenka magaaladaas ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa Shabelle uga warbixiyey xaaladda taagan. Isagoo khadka telefoonka ugu waramay idaacadda Shabelle, mas’uulka ayaa daaha ka rogay in xaaladda ay tahay mid u baahan gurmad deg deg ah. Cudurkaan ayaa la sheegay in uu ka dhashay fatahaadda uu sameeyay webiga Shabeelle oo saameeyay bulshadda gaar ahaan Beeraleyda oo uu cagta ka mariyey dalaga. Hoos ka dhageyso codkiisa https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Shuban-Biyood.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites