Deeq A. Posted February 13, 2020 Dhuusamareeb (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Dhuusamareeb, caasimada Galmudug. Qaraxa oo ka dhashay walax la rumeysan yahay in ay Miino ahayd oo la dhigay goob ku dhow Maxkamadda degmadda. Inta la xaqiijiyey saddex qof ayaa ku dhaawacantay falkaas, sidda uu idaacadda Shabelle u sheegay Taliska Booliska. Laamaha ammaanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaad looga shakisan yahay falkaas ayaa xusay in ay baaris ku waddaan. Nabad-gelyadda magaala madaxda Dhuusamareeb ayaa muddooyinkii u dambeeyay sarre loo qaadey tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites