Deeq A. Posted February 13, 2020 Muqdisho (SMN) – Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxay shaaca ka qaadey in uu is-casilay madaxii Amniyaatka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir. NISA oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa daboolka ka qaadey in xarakada ay laba garab u kala jabtay. “Khilaafkii u dhaxeeyey labada garab ee Maafiyada Alshabab ayaa sababay inuu is casilo madaxii Amniyaatka Gobolka Banaadir, Muuse Macalin ( Mucaawiye) oo ” 39, jir ah” oo ahaa garabka raacsan horjooge Mahad Karataay,” ayaa lagu yiri bayaanka kooban ee kasoo baxay Hay’adda Mukhaabaraadka. Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashaddaan oo kasoo baxay dhanka xarakadda Al-Shabaab. Horaantii bishaan ayay ahayd markii NISA ay baahisay in uu khilaaf soo kala dhex-galay hogaanka sare ee Al-Shabaab isla markaana ay taas keentay in xilalka laga qaado laba kamid ah saraakiisha xarakada. View the full article Share this post Link to post Share on other sites