Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya: Dilalka, musuqmaasuqa iyo faafreebida ayaa hareereeyay xorriyadda saxaafadda

Recommended Posts

Deeq A.   
suxufiyiinta.jpg?w=1000&ssl=1 Sawir hore

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa sheegtay in weerarada rabshadaha wata, hanjabaada, dhibaateynta iyo cabsi gelinta shaqaalaha warbaahinta ay ku sii badanayaan Soomaaliya oo ah meesha ugu halista badan adduunka ee suxufi ka shaqeeyo.

Warbixin cusub oo Amnesty International maanta oo Khamiis ah soo saartay ayey ku sheegay in ilaa iyo dabayaaqadii 2017, xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya ay xakameeyeen ciidamada amniga ee dawladda Federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha amniga, mas’uuliyiinta maamul goboleedyada iyo kooxda Al-Shabaab

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda waxay sheegtay in tan xiligaas (2017) ay diiwangelisay dhibaatooyin isku jira hanjabaado, kadeed, cabsi gelin, jirdilo, dilal, isku day dil, xarig aan sabab lahayn, dhaleeceyn kale iyo xayiraado helitaanka macluumaadka oo loo geysto suxufiyiinta iyo warbaahinta bulshada.

Warbixinta Amnesty International waxaa kaloo lagu xusay in masuuliyiinta dowladda ay laaluushaan warbaahinta, si ay ugu shaqeeyaan is-faafreebid.

Amnesty International waxay ugu baaqday dawladda inay ixtiraamto, ilaaliso, kor u qaaddo oo ay fuliso xuquuqda xorriyadda hadalka, iyo xorriyadda saxaafadda kahor doorashada Soomaaliya ee 2021/2020.

Soomaaliya ayaa kow ka ah dalalka aan la maxkamadayn kuwa dhibaateynta u geysta saxaafadda.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya: Dilalka, musuqmaasuqa iyo faafreebida ayaa hareereeyay xorriyadda saxaafadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this