Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamo Itoobiyaan ah iyo macawiisleyda

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimadda Online) – Gobolka Hiiraan waxaa laga soo sheegayaa dhibaato dagaal oo cusub, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya ayaa dagaal la galay maleeshiyada hubeysan ee loo yaqaano Macawiisley.

Sida xogta lagu helay dagaalka wuxuu ka dhacay tuulada Af qurun oo 48KM u jirta deegaanka Far Libaax, wuxuuna dagaalka ku bilowday kadib markii ciidamada Itoobiyaanka ah ay kusoo dhaceen fariisin ay lahaayeen ciidamada maleeshiiyaadka.

Kala shaki ay kala qaadeen darteed ayuu dagaalka ku bilowday, saacado ayuu dagaalka dhexmarayay labada dhinac, warbaahinta ayaa soo tabisay in dhawr iyo toban qofood ay dagaalka uga dhinteen labada dhinac, sidoo kalana dhaawac badan uu jiro.

Ciidamadaan maleeshiyaadka ah waxey ka hawlgalaan gobolada Hiiraan iyo Bakool, waxeyna sidoo kale dhawr jeer dagaalo la galeen Al-Shabaab.

Ciidanka AMISOM, maamulka Hirshabelle iyo Dowladda Federaalka ahba kama hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalkii labada dhinac dhexmaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this