Deeq A. Posted February 13, 2020 Jowhar (SMN) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay ciidamadda xooga ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka ayaa la tilmaamay in uu si gaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa degmadda Cadale iyo degaanka Xaaji Cali. Illo wareedyo ayaa Shabelle u xaqiijiyey in askarta dowladda ay soo saareen Miino la damacsanaa in qarax lagu fuliyo. Saraakiisha ciidamadda ayaa u mahadceliyey askartii fulisay howlgalka oo qeyb ka ahaa kuwa lagu sugayo ammaanka. Inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa falal noocaan ah ka fuliya dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab oo aan wali hadlin. View the full article Share this post Link to post Share on other sites