Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka DFS oo la sheegay in ay ka hortageen qarax

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay ciidamadda xooga ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa la tilmaamay in uu si gaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa degmadda Cadale iyo degaanka Xaaji Cali.

Illo wareedyo ayaa Shabelle u xaqiijiyey in askarta dowladda ay soo saareen Miino la damacsanaa in qarax lagu fuliyo.

Saraakiisha ciidamadda ayaa u mahadceliyey askartii fulisay howlgalka oo qeyb ka ahaa kuwa lagu sugayo ammaanka.

Inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa falal noocaan ah ka fuliya dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab oo aan wali hadlin.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this