Deeq A. Posted February 13, 2020 Kismaayo (SMN) – Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in Cabdi Rashiid Xidig iyo Cabdi Naasir Seeraar oo ah musharixiintii isku doortay magaalada Kismaayo ay khalalaaso dhinaca Amniga ah ka wadaan halkaas. Shir Jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtey Kismaayo ayuu ku sheegay wasiirka in labada mas’uul ay u dul qaadanayeen muddoo badan, isla markaana ay yihiin kuwo aan rabin in kismaayo ay xasisho. Wasiirka warfaafinta maamulka jubaland ayaa sheegay in dhinac walba masuuliyiintaasi xalkooda in ay u mareen balse wax natiijo ah aysan kala kulmin. Talaabada maamulka Jubaland iyo go’aankooda ugu dambeeya ka maamul ahaan ayuu tilmaamay wasiirka in ay tahay in ragaasi markale aysan ugu dulqaadan doonin waxyaabaha ay ku kacayaan. Wasiirka warfaafinta maamulka Jubaland ayaa ugu dambeen sheegay in jawi nabdoon ay kusoo dhaweeyeen wafdigii shalay gaaray Kismaayo oo uu horkacayey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya. Hadalka wasiirka wasaarada warfaafinta maamulka Jubaland ayaa kusoo aadaya xili shalay dagaal kooban magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose uu ku dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka iyo ciidamada Cabdinaasir Seeraar dagaalkaasina waxa uu sababay dhaawaca labo qof oo haween ah oo kamid ah dadka dushooda lagu dagaalamay iyo askari ka tirsan maamulka Jubanad, inkastoo Kasaaraha dagaalka uusan ka hadlin maamulka Jubaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites