Deeq A. Posted February 13, 2020 Muqdisho (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqdey in ay xayiraadii ka qaadey shirkadii Al Barakaat ee Soomaaliya. Paul Onela, xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa shaaciyey in tani ay ka dambeysay markii ay ku waayeen wax dambi ah. Mr Onel ayaa daaha ka rogay in ay gebi ahaanba xireen gal-dacwadeedkii shirkaddaas kana saareen liiska argagixisadda. Sanadkii 2012-kii ayay ahayd markii xayiraad la saarey Barakaat, taasoo timid weerar culus oo ka dhacay gudaha Mareykanka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites