Deeq A. Posted February 13, 2020 (SLT-Doha)-Dowlada Maraykanka iyo kooxda Taalibaan ayaa gaadhay heshiis muhiim ah oo lagu yareynayo colaada ka taagan Afghanistan, iyadoo la filayo in si rasmi ah loogu dhawaaqo heshiiskan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Taalibaan. Waxaan gaadhnay heshiisyo la xidhiidha wadaxaajoodka nabada waxaana si rasmi u soo saari doonaa warsaxafadeed la xidhiidha yareynta colaada ka taagan Afghanistan, ayuu yidhi sarkaal sare oo ka tirsan taalibaan oo la hadlay Tv-ga Al-Jazeera Arbacadii shalay. Arintaan ayaa wadada u xaadhi doonta in si rasmi ah ay Mareykanka iyo Taalibaan qalinka ugu duugaan heshiis nabadeed, oo lagu soo afjarayo dagaalada 18-kii sanno ee la soo dhaafay ka socday dalka Afghanistan. Qorshaha ayaa waxaa ka mid ah in Mareykanka uu ka saaro kumanaan askari oo ka jooga dalkaasi iyo in Taalibaan ay aqbasho wadahadal ay la gasho xukuumada Kabul, loona damaanad qaado sidoo kale amniga saraakiishooda sare oo Mareykanka beegsanayo. Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa sheegay In Mareykanka uu ku wargaliyay in meel wanaagsan ay marayaan wada xaajoodka ka socda caasimada Dooxa. Source Share this post Link to post Share on other sites