Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledwayne (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro geystay oo xalay fiidkii ka dhacay degaanka Af-quran ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo u dhaxeeyay Macawiisleyda iyo Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa sababay dhimashadda 20 qof oo labada dhinac ah.

Illaa iyo haatan lama ogga waxa dhaliyey dagaalka.

Ciidamadda Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in ay kasoo baxeen magaalada Xudur ee gobolka Bakool kuna soo jeedeen Kilinka Shanaad.

Saraakiil u hadashay Macawiisleyda ayaa tilmaamay in ay sidoo kale qabteen qaar kamid ah ciidamadda Itoobiya, oo aan wali dhankooda hadlin.

Isku dhacaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo Macawiisleyda ay la galaan ciidamo shisheeye maadaama looga bartay Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this