Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo badan oo lagu daadiyey Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose ayaa sheegaya in xaaladda goobahii ay shalay ku dagaalameen ciidamo kala taageersan Cabdinaasir Seeraar iy Axmed Madooba ay dagan tahay.

Guud ahaan amaanka magaalada ayaa si aad ah looga taxaaada taxadarayaa maanta, waxaana wadooyinka ku sugan ciidamo badan.

Taliska Axmed Madoobe wuxuu dhibaatadii shalay ka dhacday magaalada ku eedeeyay dowladda Federaalka oo aan maamulkaas ku qanacsaneyn.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegeysa in jawiga Kismaayo saakay uu yahay mid iska dagan, balse ay jirto feejignaan daran maadaama ciidamada Jubbaland ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka sameynayaan wadooyinka magaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this