Sign in to follow this  
Deeq A.

Fadeexo ka taagan kiiska C/rashiid Janan iyo saan-dirasho laga dhigtay askartii ilaalineysay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)– Waxaa soo baxaya warar dheeri ah oo ku saabsan in saraakiil ciidan iyo madax ka tirsan dowladda ay ku lug lahaayeen qaabkii uu u baxsaday C/rashiid Xasan Nuur “Janan” oo 28-kii bishii hore ka baxsaday guri hay’adda `NISA ay xabsi guri ku gelisay.

arrinta baxsahada C/rashiid Janan ayaa waxaa xabsiga loo dhigay afar askari oo seddax ka mid ah boolis yihiin, halka kale nabadsugida ka tirsanaa, waxaana askartaasi lagu hayaa xarunta danbi baarista ee NISA, iyadoo aysan jirin maxkamad la horkeenay.

Seddax askari oo ka mid, kana tirsanaa booliska saldhiga qeybta Bari, waxayna heyb ahaan kasoo jeedaan beesha Abgaal, halka askariga kale oo ka tirsanaa NISA oo qabiil ahaan kasoo jeeda beesha Shiikhaal ayaa xabsiga la dhigay maalintii uu baxsaday C-rashiid Janan, iyadoo lagu eedeeyay inay wax ka ogaayeen.

Hase ahaatee askartaasi ayaa ku doodaya inaysan ka war hayn maxbuuska ay ilaalinayeen cida uu yahay iyo in aysan jirin maxbuus lagu wareejiyay ama la tusiyay oo lagu yiri maxbuuskaani ilaaliya, balse afka uun looga sheegay, lana tusin.

Arrintaasi waxay abuurtay shaki badan iyo tuhun u baahan in la dabagalo, oo loo raad raacdo saraakiishii askartaan goobta keenay iyo kuwa awaamiirta faray, gaar ahaan taliyaha saldhiga Bari iyo taliyaha booliska gobolka Banaadir Saadaq Joon oo amarka askarta lahaa.

Waxaa yaab leh in wasiir ka tirsan Jubbaland ee lasoo eedeeyay in guri shacab lagu maxbuuso, askartii ilaalineysayna aan loo sheegin darajada iyo qofka ay ilaalinayaan waxa uu yahay, lana tusin, balse afka uun looga sheego.

Arrintaan ayaa u muuqata mid lagu raad tiranaayo askarta shirqoolka loo dhigay ee cidda lagu amray inay ilaaliyaan lagu wargelin loona sheegin culeyska maxbuuska ay ilaalinayaan heerka uu la eg yahay, waxaana farta ku godan Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin iyo Taliyaha Booliska Saadaq Joon oo arrinta u xil saartay taliyaha saldhiga Bari ee ciidamada xabsiga la dhigay goobta keenay.

Ma jirto cid u doodaysa askartaasi oo sharci ahaan iyo qaanuun ahaan marka la fiiriyo xabsi aysan ku jiri karin in ka badan 48 saac bilaa maxkamad la’aan, waxaase intaas kasii daran in taliskii ay ka tirsanaayeen ee booliska arrinta iska indha tireen, maadaama ay ku xiran yihiin xarunta danbi baarita Nabadsugida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this