Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland iyo Seeraar oo ka hadlay iska hor-imaadkii Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Jubbaland ayaa iska hor-imaadkii maanta ka dhacay Kismaayo ku eedeysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay fashiliyeen isku day ay dowladda Federaalku ku khalkhal gelinaysay nabadgelyada magaalada Kismaayo, iyadoo adeegsanaysa kooxo maleyshiyaad ah, sida uu sheegay.

Dhanka kale Cabdinaasir Seeraar ayaa isna iska hir-imaadkaas ku eedeeyey jubbaland, wuxuuna sheegay in la weeraray isaga iyo dad taageerayaashiisa ah oo si nabad ah u bannaan baxayay.

Maanta ayaa dagaal kooban ka dhacay magaalada Kismaayo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Jubbaland iyo ciidan taabacsan Cabdinaasir Seeraar Maax oo sheegtay madaxweyne Jubbaland.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidanka Jubbaland ay xireen wadooyinka magaaladda Kismaayo, balse ay tallaabadaasi u hoggaansami waayeen ciidamo taabacsan Cabdinaasir Seeraar.

Dagaalka ayaa ka dhacay Xaafada Siinaay ee magaaladda Kismaayo, halkaas oo ay daganyihiin xubnaha la baxay Isbedel doonka Jubbaland oo uu hoggaamiyo Cabdinaasir Seeraar, kuwaasi oo diiday natiijadii ka soo baxday doorashada Jubbaland ee uu mar kale ku guuleystay Axmed Madoobe.

Ilaa iyo hadda lagama hayo khasaare ka dhashay dagaalka Kismaayo oo ku soo beegmay, xilli madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Safiirka Mareykanka, ay ku shirsanaayeen garoonka diyaaradaha Kismaayo.

PUNTLAND POST

The post Jubbaland iyo Seeraar oo ka hadlay iska hor-imaadkii Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this