Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo ka hadashay is-rasaaseyntii Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Maamul goboleedka Jubaland ayaa war kasoo saarey iska hor-imaadkii maanta ka dhacay gudaha magaaladda.

Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, wasiirka warfaafinta Jubaland, ayaa sheegay in dagaalka uusan khasaaro ka dhashay.

Maxamed oo tilmaamay in ciidankooda aysan xabadu bilaabin ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay ka dambeyso arrintaan.

Ujeedada ay ka leedahay ayuu ku qeexay in ay khal-khal geliso ammaanka magaalada iyo wafdigii ka socday Mareykanka.

Siyaasiyiinta Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig ayuu cod dheer ku qeexay in ay ku shaqeeyaan fekerka Villa Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa ku nuux-nuux saday in wixii haatan ka dambeeya aysan u dulqaadan doonin talaabooyin kale.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this