Deeq A. Posted February 12, 2020 Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka tirsan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka ee deegaanada Galmudug iyo sida loo xoojin karo. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in kulankaas lagu soo qaaday arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro gobollada Galgaduud iyo Mudug. Qoor Qoor ayaa maalmihii la soo dhaafay shirar lagu dardar geliyey howlaha Galmudug ka waday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulkaasi. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites