Deeq A. Posted February 12, 2020 Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii la soo dhaafay gaareen duleedka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in ciidankaasi ay ka yimaadeen Ceelwaaq, iyagoona ku biiray askar uu hoggaaminayo wasiir Janan oo ku suganinta u dhexeyso Mandera iyo Beledxaawo. Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey oo hoggaaminayo ciidamadaan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay ciidamadii la dagaalami lahaa Shabaab inay dhufeyso isugu jiraan. Sidoo kale Gurey ayaa tilmaamay in la’isku hayo arrimo siyaasadeed, islamarkaana uu rajeynayo in laga gudbi doono. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ka socdeen gobolka Gedo View the full article Share this post Link to post Share on other sites