Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlayo Garsoorka oo ka furmay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir sanadeedka Garsoorka dalka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayo arrimaha xaaladda ah garsoorka iyo cadaaladda dalka halka uu marayo.

Sidoo kale sanadkii labaad  ayaa shirkan lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay hey’addaha Garsoorka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha heysta garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa  hay’adaha garsoorka dalka, iyadoo  Wasaaradda Cadaaladda ee dowladda federaalka ay ka warbixinayso xaalada Garsoorka dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa horay u balan qaaday in hey’aadaha Garsoorka laga dhigi doonno kuwo lagu kalsoonaan karo, waxaana dib u habeynta lagu sameyay hey’aadaha Garsoorka dalka.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:

FFFFF-1.jpg GGG-1.jpg JJJ-1.jpg ssss.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this