Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal ka dhacay magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubaland ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada Jubbaland iyo ciidan taabacsan Cabdinaasir Seeraar Maax oo sheegtay madaxweynaha Jubaland.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Ciidanka Jubbaland ay Xireen Wadooyinka magaaladda Kismaayo, balse ay tallaabadaasi u hoggaansami waayeen ciidamo taabacsan Cabdinaasir Seeraar.

 Dagaalka ayaa ka dhacay Xaafada Siinaay ee magaaladda Kismaayo, halkaas oo ay daganyihiin Xubnaha la baxay  Isbedel doonka Jubbaland oo uu hoggaamiyo Cabdinaasir Seeraar, kuwaasi oo diiday natiijadii ka soo baxday doorashada Jubaland ee uu mar kale ku guulaystay madaxweyne Axmed Madoobe.

Ilaa iyo hadda wax faahfaahin dheeriya lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka Kismaayo oo ku soo beegmay, xilli madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Safiirka Maraykanka, ay hadda ku shirsan yihiin garoonka diyaaradaha Kismaayo.

PUNTLAND POST

The post Dagaal ka dhacay magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this