Sign in to follow this  
Deeq A.

War deg deg ah: Dagaal culus oo ka socda Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo goor dhow ka qarxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu u dhexeeyo ciidamada Jubbaland iyo kuwa ka amar qaata xubnaha isbedal doonka ee ku sugan magaaladaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Shabelle u sheegay in dagaalka uu yimid ka gadaal markii ciidamada garabka isbedal doonka laga celiyey jid u xirnaa kuwa Jubbaland.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkaasi, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco, radioshabelle.com

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this