Deeq A. Posted February 12, 2020 Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in goor dhow dagaal xoogan uu ka bilowday qeybo ka mid ah gudaha magaaladaasi. Iska hor imaadka oo weli socda ayaa lagu soo warramayaa inuu dhexeeya ciidanka Jubbaland iyo kuwa taabacsan, Cabdinaasir Seeraar oo isna sheegta madaxweynaha maamulkaasi. Labada dhinac ayaa is weydaarsanaya hubka noocdyadiisa kala duwan, sida Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalkaan uu yimid, kadib markii ciidamada Seeraar laga celiyey waddo u xirneyd kuwa Jubbland. Sidoo kale israsaaseyntaani ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maanta Jubbaland ay xoojisay amniga Kismaayo oo uu wax yar ka hor gaaray safiirka Mareykanka ee Soomaliya. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka dhex maraya labada dhinac. Faah faahinta kala soco, caasimada.net Share this post Link to post Share on other sites