Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qoor Qoor oo kulan la qaatay saraakiisha ciidanka AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

huusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta gudaha magaalada Dhuusamareeb kula kulmay saraakiil ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka, gaar ahaan sida loo xoojin karo nabad gelyada deegaanada maamulkaasi.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa lagu soo qaaday howlgallada ka dhanka ah Xarakada  Al-Shabaab, gaar ahaan sidii looga saari lahaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla meel dhigay qorshaha sugida amniga Dhuusamareeb oo dhowaan la filayo in lagu qabto xafladda caleema saarka ee Qoor Qoor.

Galmudug oo uu weli ka jiro khilaaf dhinac maamulka ah oo ka dhashay doorashadii maamulkaasi ayaa weli taagan, mana muuqdo wax isku dhawaansho ah.

Qoor Qoor oo taageero iyo ciidan ka heysto dowladda ayaa kulamo xal raadin ah ka wada Dhuusamareeb, halka Ahlu Sunna ay dhankeeda wado dhaq dhaqaaqyo xoogan.

Xaaf ayaa dhiniciisa abaabul xoogan ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama ay si aad ah u kala fog yihiin dhinacyadaasi.

Qoor-Qoor-2.jpg 2-28.jpg 2-2.jpg 1-2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this