Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Muqdisho oo sagootin u sameeyey ismimada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kulan casha sharaf sagootin ah u sameeyay Isimada Soomaaliyeed ee ka socday dowlad goboleedka Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro iyo Xildhibaano katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir, odoyaal dhaqameed, fannaaniin iyo qeybaha bulshada rayidka.

Qaar kamid ah isimada oo goobta ka hadlay ayaa maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Soomaaliya uga mahadceliyay maamuuska ay u sameeyeen muddadii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo kulanka ka hadlay ayaa xusay in Muqdisho ay tahay Caasimadda ummadda Soomaaliyeed.

“Magaalada Muqdisho waa magaalada ummadda Soomaaliyeed, qofkaste oo ku hadla Afka Soomaaliga ayey magaaladiisa tahay maadama ay tahay Caasimadda Jamhuuriyada federaalka Soomaaliyeed, waxaana waajib ka saranyahay qofkasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah in uu door ka qaato xoojinta xasiloonideeda”ayuu yir duqa Muqdisho.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:

84068766_2495989083973169_67190645889622 84080083_2495989307306480_56279629237636 84262527_2495988970639847_60984515256112 84297160_2495989393973138_83633918862279 84472901_2495989120639832_64785646267526

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this