Deeq A. Posted February 12, 2020 Kismaayo (Caasimada Online) – Iyadoo weli xiisad xoogan ay ka taagan tahay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa arrintaasi si adag uga hadashay dowlad goboleedka Jubbaland oo ay haatan si weyn isku hayaan dowladda federaalka. Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey oo ka mid ah saraakiisha maamulkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka digay in dagaal u dhexeeya labada ciidan uu ka dhaco halkaasi. Sidoo kale sarkaalkaan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamadii laga dagaalami lahaa dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay dhufeyso isu jiraan, halkii laga rabay inay cadowga ka difaacaan guud ahaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Gurey ayaa carabka ku dhuftay in la’isku hayo arrimo siyaasadeed, islamarkaana uu rajeynayo in laga gudbi doono, si wadajir loogu wajaho dagaalka Al-Shabaab. “Waxaa wax laga xumàado ay tahay in Ciidankii Al-Shabaab la dagaali lahaa ay dhufays isugu jiraan,taasina waxaa sabab teeda ay tahay arrimo la xiriira siyaasad,waxaana rajeynayaa in laga bixi doono si cadawga loo wajaho ayuu yiri.” Korneyl Cabaas Gurey. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay ciidanka daraawiishta Jubbaland iyo kuwa dowladda looga baahan yahay inay iskaashadaan, si gobolka looga saaro Al-Shabaab. Korneyl Cabaas Ibraahim Gureey oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee dowlad goboleedka Jubbaland iyo ciidamo bada oo uu wato ayaa shalay gaaray duleedka magaalada Beled-Xaawo oo haatan laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeeda. Xiisada ayaa sii xoogeysatay, kadib markii ciidamada dowladda ee dhowaan la geeyey Gedo ay la wareegeen degmooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo ee gobolkaasi. Share this post Link to post Share on other sites