Deeq A. Posted February 12, 2020 Shirweynaha arrimaha garsoorka dalka ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Shirkaan oo ah ah mid sanadle ah ayaa waxaa ka qeyb galaya masa’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe, xubno ka socda maamullada dalka iyo marti sharaf kale. Intiisa badan waxaa shirka looga hadlayaa caqabadaha garsoorka, hufnaanta cadaaladda iyo waxyaabihii ka qabsoomay ballanqaadyadii la sameeyey sanadkii hore. Shirka ayaa sanadkaan ku soo aadaya, iyadoo ay weli caqabado ka jiraan garsoorka, gaar ahaan dhanka maxkamadaha, iyadoo ay jiraan dad badan oo tirsanaya cadaalad darro. View the full article Share this post Link to post Share on other sites