Deeq A. Posted February 12, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay xalay ciidamada dowladda ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Howlgallada ayaa si gaar ah looga fuliyey Carwadii hore ee Qaranka, iyadoona lagu soo qab qabtay tiro dad ah. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in inta badan dadkii la qabtay oo dhalinyaro u badnaa la sii daayey, kadib markii la marsiiyey baaritaano dheeraad ah. U jeedka howlgalladaan ayaa saraakiisha amniga waxa ay ku sheegeen in lagu xaqiijinayey amniga degmadaasi. Habeen ka hor ayey aheyd markii wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa guddoomiye waaxeedyada Hodan lagu dilay gudaha degmadaasi ee magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites