Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo Kenya ka taageerayo dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in saraakiil sar sare oo ka tirsan ha’yadda dambi baarista dalkaasi ee FBI-da ay u soo diri doonto dalka Kenya, si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah dagaalayahannada Xarakada Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in saraakiisha ka tirsan ha’yadda FBI-da dalkaasi ay laamaha ammaanka ee Kenya ka caawin doonaan dhinacyada tababarada iyo sare u qaadida baaritaanada ay sameeyaan.

Kenya ayaa 42 sarkaal oo ka tirsan Booliiskeeda u dirtay dalka Mareykanka, waxayna tababar dhinacyo badan quseeya ay ku qaadan doonaan Machadka tababarada FBI-da ee ku yaalla gobolka Varginia, kaas oo socon doonaa muddo ku siman saddex bilood.

George Kinoti oo ah agaasimaha laanta dambi baarista dalka Kenya oo hogaaminayey saraakiisha tababarka qaadaneysa ayaa sheegay in la bari doono xirfado cusub oo ku aadan sare u qaadida tayadooda baaritaan iyo sidii ay u maareyn lahaayeen xogaha xasaasiga ah ee ay helaan.

Si kastaba ha’ahaatee dowaldaha Kenya iyo Mareykanka ayaa qeyb ka ah dagaalka adaga ee lagula jiro dagaalyahannada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this