Deeq A. Posted February 12, 2020 (SLT-Pakistan)-Dowladda Pakistan iyo Iiraan ayaa ku heshiiyay dadaalo farsamo oo la xidhiidha horumarinta ganacsi ee u dhaxeysa labada Waddan. Labada dal oo ood-wadaag ayaa uga gol leh arrintaan, sidii looga takhalusi lahaa ganacsiga sharci-darrada ee liddiga ku ah dhaqaalaha. Budhcad ka shaqeysata Gas-ka sharci darrada ah oo u dhashay Iiraan ayaa la aaminsan yahay in qiimo jaban ay ku geeyaan dalka Pakistan. Arrintaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah muwaadiniin u dhashay labada dhinac, waxaana arintaan cabasho xooggan muujiyay xukuumadaha Tehraan iyo Islamabad. Si kastaba ha ahaatee heshiisyada labada dal ay gaadheen ayaa sare u qaadi doona waaxyaha Canshuurta ee ku sugan xadka Pakistan iyo Iiraan. Source Share this post Link to post Share on other sites