Sign in to follow this  
Deeq A.

Pakistan Iyo IRAN Oo Gaadhay Heshiis Muhiim Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pakistan)-Dowladda Pakistan iyo Iiraan ayaa ku heshiiyay dadaalo farsamo oo la xidhiidha horumarinta ganacsi ee u dhaxeysa labada Waddan.

1581445800bb684.jpg

Labada dal oo ood-wadaag ayaa uga gol leh arrintaan, sidii looga takhalusi lahaa ganacsiga sharci-darrada ee liddiga ku ah dhaqaalaha.

Budhcad ka shaqeysata Gas-ka sharci darrada ah oo u dhashay Iiraan ayaa la aaminsan yahay in qiimo jaban ay ku geeyaan dalka Pakistan.

Arrintaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah muwaadiniin u dhashay labada dhinac, waxaana arintaan cabasho xooggan muujiyay xukuumadaha Tehraan iyo Islamabad.

Si kastaba ha ahaatee heshiisyada labada dal ay gaadheen ayaa sare u qaadi doona waaxyaha Canshuurta ee ku sugan xadka Pakistan iyo Iiraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this