Sign in to follow this  
Deeq A.

Hargeysa: Laba kamid ah Macallimiinta Qur’aanka oo xabsiga la dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in halkaasi Talaadadii shalay laga qabtay laba macalllin Qur’aan oo malcaamado ku haystay gudaha magaaladaasi Hargeysa.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU-da Somaliland ayaa labadaasi macalin ka soo qabtay malcaamad Qur’aanka Kariimka lagu bartao oo ku taala xaafadda Jarrato.

Ciidamada ayaa si kadis ah ku tegay malcaamadda waxaana ay gaari daboolan ku riteen labadii macallin ee haystay malcaamadda sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Ilaa iyo hadda lama sheegin waxa uu la xiriiro kiiska loo haysto macallimiinta balse warar hoose ayaa laga soo xigtay in loo haysto tuhun la xiriira Argagixisanimo.

PUNTLAND POST

The post Hargeysa: Laba kamid ah Macallimiinta Qur’aanka oo xabsiga la dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this