Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare oo maanta ka doodaya hindise sharciyeedka jaangoynta dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah Aqrinta labaad marinaya hindise sharciyeedka jaangoynta dalka oo ay u gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya.

Fariin loo diray Mudanayaasha  Golaha waxaa lagu sheegay in fadhigooda maanta uu yahay Aqrinta labaad ee Hindise sharciyeedkaan oo horyaalla Aqalka sare kadib markii ay meel-mariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Senatarada waxaa hortagaya Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddiga Aqalka sare u qaabilsan Ganacsiga.

PUNTLAND POST

The post Aqalka Sare oo maanta ka doodaya hindise sharciyeedka jaangoynta dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this