Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka hor-timid sharcigii uu saxiixay Farmaajo una digtay shirkado caalami ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka hor-yimid sharciga batroolka Soomaaliya ee uu dhowaan saxiixay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in sharcigaas ay ku jiraan qodobo “kasoo horjeeda dastuurka qaranka iyo hanaanka federaalka ee lagu heshiiyey,” illaa laga saarayana aysan qeyb ka noqon doonin fulintiisa.

Qodobada Puntland ay xustay ayaa waxaa ka mid ah qodobka 44-aad ee dastuurka ee ka hadlaya qeybsiga kheyraadka dalka, kaasi oo dhigaya inay ka wada-hadalaan dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Puntland waxay sheegtay in sharciga uu sidoo kale ka hor-imanayo qodobada 4-aad, 50-aad, 51-aad, 86-aad iyo 142-aad ee dastuurka dalka.

Dowladda Puntland ayaa shirkadaha caalamiga ah ee danaynaya inay sahmiyaan islamarkaana maal-gashtaan shidaalka Soomaaliya uga degtay inay ku howl-galaan sharcigan, waxayna u sheegtay inay ka fogaadaan.

Hoos ks aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland

FB_IMG_15814329646735058.jpg FB_IMG_15814329687932010.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this