Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda SHIINAHA oo war ka soo saartay xaaladda Soomaalida ku nool Wuhan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Wuhan ee dalkaas, oo ah halka uu ka dillaacay xanuunka CoronaVirus.

Tirada dadka u dhintay cudurkaas ayaa maanta dhaaftay 1000 qof, ayada oo Guddiga Caafimaadka Qaranka sheegeen in Talaadada maanta ah ay 108 qof oo cusub ay u geeriyoodeen cudurka, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 1016 qof.

Qoraal kasoo baxay safaraadda Shiinaha ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in xukuumadda Beijing ay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xaqiijinayo bad-baadada ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baranaya Wuhan.

“Ardayda Soomaaliyeed ee Wuhan waa ay bad-qabaan. Maamulka dowladda Hoose ee Wuhan ayaa adeeg wax ku ool ah siiya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.

Dhinaca kale, safaaradda ayaa uga mahad-celisay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad inuu yiri “Soomaaliya waxay shacabka Shiinaha ku garab taagan tahay dagaalka ay ku jiraan faafitaanka cudurkan.”

“Aad ayey China ugu mahad-celineysaa. Saaxiibka dhabta ah waa kan xilliga baahida. Cudurkan waa xilli kooban, laakiin saaxiibtinimada waxay jirtaa weligeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this