Deeq A. Posted February 11, 2020 Addis Ababa, Ethiopia – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta ku kulmay caasimada waddanka Itoobiya ee Addis Ababa. Wararka ayaa intaas ku daraya in labada hoggaamiye ay ku kulmeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Ilaa hadda ma cadda qodobada ay ka wada hadleen. Fahfaahinta ayaa waxay intaas ku dareysaa in kulankoodu uu qaatay muddo 40 daqiiqo ilaa hal saac. Kulanka labada hoggaamiye ayaa la tilmaamay in uu ahaa mid labadooda keliya ay wada qaateen oo aysan la joogin wasiirrada iyo xubnaha kale ee wafdigooda. Waa markii ugu horraysay ee ay kulmaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo dhowr jeer ay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay dib u dhaceen, sababo kala duwan awgeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites