Deeq A. Posted February 11, 2020 Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta ku kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Ilo lagu kalsoon yahay oo ay la hadashay idaacadda VOA-da ayaa la sheegay in ay xaqiijiyeen in Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ku kulmeen xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Ilaa hadda ma cadda waxa ay ka wada hadleen, waxayse wararku sheegayaan in kulankoodu uu qaatay muddo hal saac ku dhow. Kulanka ayaa la sheegay inuu ahaa mid labadooda kaliya ay wada qaateen oo aysan la joogin wasiirrada iyo xubnaha kale midna. Waa markii ugu horraysay ee ay kulmaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo dhowr jeer ay wadahadallada dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ay dib u dhaceen. Dowladda Itoobiya ayaa maalmo ka hor isku maqaam ku soo dhaweysay Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi. PUNTLAND POST The post Abiy Ahmed oo kulan siiyay Farmaajo iyo Muuse Biixi appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites