Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Khadiija oo ka hor-timid mas’uuliyiin raba inay guryo ka dhistaan garoonka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye oo warbaahinta la hadleysay ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan dhismaha garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho.

Khadiijo Diiriye ayaa sheegtay inay jiraan xubno mas’uuliyiin ah oo doonaya inay si gaar ah uga faa’iideystaan dhismaha garoonkaasi.

Wasiirada ayaa tilmaamtay in shaqsiyaadkaasi damaca ku jira uu yahay inay guryo ka dhex dhistaan Stadium Muqdisho oo hadda uu ku socdo dib u dhis ballaaran.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay aysan aqbali doonin in guryo laga dhisto dhulka garoonkaan oo loogu talagalay in lagu hormariyo ciyaaraha dalka.

“Aniga ka wasiir ahaan,Gos dhamaan xiriirada Ciyaaraha kala duwan ee hoostaga Gos iyo Bahweynta Sportiga Soomaaliyeed marnaba ma aqbali doono in dhulka Garoonka muqdisho laga dhex dhisto Guryo”. ayey tiri wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ugu dambeyn waxa ay wax lala yaabo ku tilmaamtay damaca shaqsiyaadkaasi, iyadoo sheegtay in xitaa ay garan waayeen wixii ay ka xishoodeeen jabhadihii dalka soo maray.

“Waa wixii 30-kii sano ee la soo dhaafay ay ka xishoodeen Jabhadihii iyo hoggaamiye kooxeedyadaii soo maray dalka”. ayey hadalkeeda ku soo gabagabeysay.

Stadium Muqdisho oo ah garoon weyn ayaa in muddo ah burbursanaa, waxaana saameyn ku yeeshay dagaalladii sokeeye ee dalka, haatanse waxaa ku socdo dib u dhis ballaaran, kaas oo maraya meel gabagaba ah, sida ay xaqiijisay wasaaradda ciyaaraha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this