Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo si rasmiya u faahfaahisay Fulinta Qisaastii Kiiska Caa’isha

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay caasimadda Garoowe, ayaa faahfaahin ka bixiyay xukunkii Qisaasta ahaa ee Saaka la mariyay laba kamid ah saddex xukmane oo lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas.

Maanta oo bishu tahay 11-February- 2020-ka, waxaa caddaalad la marsiiyay dadkii loo haystay in ay kufsadeen Caa’isha Ilyaas. Labadaas eedaysane oo lagu magacaabo Cabdifitaax Cabdiraxmaan iyo Cabdishakuur Maxamed, ayaa maanta la qisaasay” ayuu yiri Wasiir Cawil Sheikh Xaamud.

Wasiirka oo ka hadlayay sababta uu mudada intaasi le’eg u raagay fulinta xukunka qisaasta ah, ayaa sheegay in mar kasta dowladdu ilaalinaysay, in qof dambiile ah uusan baxsan, islamarkaana qof aan dambe gelin la ciqaabin.

waxaa laga yaabaa in dad badani su’aal ka keenaan maxay cadaaladdu mudada intaas le’eg u soo jiitantay oo halka sano u qaadatay. Waa in la fahmaa, Cadaaladdu had iyo jeer waxay u baahantahay hubin” ayuu sii raaciyay Wasiirka.

Hoos ka daawo hadalka Wasiirka oo dhammaystiran

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo si rasmiya u faahfaahisay Fulinta Qisaastii Kiiska Caa’isha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this