Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay wasiirada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha wasiirada maamulkaasi oo maanta  lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha ka jira Galmudug, tallaabooinka loo baahan yahay in horey loo qaado, sida amniga iyo adeegyada kale ee bulshada.

Sidoo kale wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in wasiirada uu la kulmay madaxweyne Qoor Qoor ay ahaayeen kuwo aan haatan wax xil ah heyn, islamarkaana uu horey uga qaaday Axmed Ducaale Geelle ( Xaaf) iyadoona sidoo kale ay meesha ka maqnaayeen kuwii ka soo galay dhinaca ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Qoor Qoor oo wada abaabullo xoogan ayaa sidoo kale shalay la kulmay odayaasha dhaqanka ee deegaanada Galmudug, isagoo kala hadlay xaaladda maamulkaasi.

1-23 2-24 3-11

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this