Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirada Batroolka Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis kala saxiixday

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1581424692843.jpg?w=1000&ssl=1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamad Axmed oo booqasho 2 casho ah ku joogay caasimadda Dalka Suudaan ee Khartuum ayaa booqday xarumaha kala duwan ee lagu soo bandhigo wax soo saarka Dahabka ee Dalka Suudaan, waxaana uu Wasiirku kulamo la qaatay Madaxda Shirkadaha Macaadanta ee Dalkaasi Suudaan.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federalka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamad Axmed ayaa madaxda Shirkadaha Macaadinta Dalkaasi Suudaan uga warbixiyay sida Soomaaliya ay diyaar ugu tahay in ay ka faa’iideysato qeyraadka dalka gaar ahaan Bartoolka iyo Macaadinta.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federalka Soomaaliya Eng.Cabdirashiid Maxamad Axmed ayaa heshiis is kaashi la saxiixday Wasiirka dhigiisa ee Dalkaasi Suudaan Caadil Cali Ibraahim waxaana heshiiska goob joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalkaasi Suudaan, iyo Qunsulka Safaradda Soomaaliya Cismaan Axmed Maxamad, Madaxa Ganacsiga Dalka Suudaan Yuusuf Jeego.

PUNTLAND POST

The post Wasiirada Batroolka Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis kala saxiixday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this