Deeq A. Posted February 11, 2020 Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo maanta la hadlayey warbaahinta ayaa si adag uga hadlay xaaladda ammaan ee dalka. Xijaar ayaa sheegay in dalka lagu soo duulay, islamarkaana lag soo galo xuduudaha iyo dhanka hawada, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la diidan yahay in la sugu amniga dadka, islamarkaana la burburiyey Kaamirooyinkii lagu xiray jidadka qaar ee magaalada Muqdisho. “Dalkeena amnigiisa waa lagu soo duulay, xuduuda halaga soo galo ama Dayuurad ha lagu yimaado, dalkeena Amnigiisa meel xun buu marayaa, waxaa la diidan yahay dadka amnigiisa in la ilaaliyo Kaamirooyinkii wadooyinka lagu xiray in la qarxiyo baa la gaaray, wadaa la dhisayaa Injineeradii dhisayay baa la dilayaa oo la qarxinayaa, waxaa la diidan yahay Umadatan Soomaaliyeed iney xasisho oo luga heeda ku istaagto”. ayuu yiri Xijaar. Ugu dambeyn wuxuu taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku baaqay in laga wada shaqeeyo shacab iyo ciidan amniga dalka, si looga gudbo xaaladaha adag ee jira. View the full article Share this post Link to post Share on other sites